Warbixin: Gobolada Jubboyinka Waxay Ka Hodan San Yihiin Wadamada Holland iyo Switzerland!!

GG24: Waa warbixintaan uga hadleynaa Hoggaanka, Waxaana iin soo bandhigi doona Tusaale yaab leh oo umada soomaaliyed waxbadan u tari doona.

 

Ma ogtahay Gobolka Jubbada Hoose keliya, iska dhaaf  Gobolada kale ee Soomaaliya, inuu ka hodon san yahay Dalka Netherland (Holland) oo hadda loo tahriibo! Balse ku dhowyahay inuu ka hodon sanyahay haddii lagu daro Jubbada Dhexe, kana baaxad weyn yahay, laba Dawladood oo yurub ugu hodonsan; Holland iyo Switzerland! Baaxadda Holland waa: 41,543 km.sq. Switzerland waa: 41,284 km.sq.

 

Gobolka Jubbada Hoose waa : 61,000 km.sq, yacni labada wadanba mid walba wuu ka baaxad weyn yahay.. Jubbada dhexe haddii lagu daro : 23,000 km.sq = 84,000 kmsq ayey isku noqdaan, labadaas gobol ayaa ka baaxad weyn.
labada dal, Xagga khayraadka dalka holland sidaan ognahay waa dalka adduunka caanaha ugu soo saarid badan, wuxuu dhaqdaa 4 milyan oo Lo’ ah, Geel ma leh, Arina maleh.
Jubbada Hoose keliya xoolaha geel/Ari/Lo’, tirakoobkii 1989 dawladii intaaney dhicin wuxu ahaa: 3,345,742 Neef, Waana taqriiban hadii gobolada koonfur lagu darana: 6 milyan ayey kor u dhaafeysaa.
Dhulbeereedka Jubbada Hoose waa dhul dihin, oo fertile ah, wuxuuna quudin karaa ugu yaraan kala badh inta Soomaaliya dhulberedkeedu quudin karo oo lagu qiyaasay 140,000,000 ruux, Waa marka aan ka hadleen gobolka Jubbada hoose keliya wexey quudin kartaa 50 ilaa 70 milyan oo ruux, Halka labada jubbo ay ku noolyihiin 0.7 – ilaa 1.5 m oo dad ah..haddii la buun buuniyo..oo gaaja u dhimaneysa.
Xeebta Holland oo dhan waa 400 km, Halka Soomaalia ay tahay 3300 km, Jubbada hoose keligeed ayaa 400 ka badan ayadoo farqiga kaliya ee u dhaxeeyay ay tahay in Holland xeebteeda  laga sameeyey dekedda adduunka ugu zaxmad badan, Sida dekada ku taalo Magaalada  Rotterdam.
Dekada Kismaayana ilaa maanta Dhuxusha ayaa laysku dilaa, iyo xoogaa doonyaa oo ku soo xirta, taas uun ayaa 21 sano laysku dilaayay.
Mana oga maamulada iyo hogaamiya yaasha dahabka ay dul fadhiyaanku, bad iyo berri, Waxa qof waliba oo aqoon leh ama baritaan sameeyo waxa uu is  hadayan aqoon cid taqaan oo soomaaliya ugu yeedhaan, Ileyn jahliga su`aal baa lagu daaweeyaaya. waxa kaliya ay yaqaanaan waxay tahay baabuurta teknikada la dhoho iney marba dhinacisugu cayrsadaan, dadkuna baa-baaan, qaxaan, Loona barakaco dalalka shisheye .
W/Q: Sh. Mohamed Idris.

www.galgaduud24.com  

“Somalia 24 News Hour”

Wararka 24 Goorsheegtada  Soomaalia  

E-mail: galgaduud24@gmail.com

webmaster@galgaduud24.com

Waxa Booqatay :672

About the Author

Comments (1)

Trackback URL | Comments RSS Feed

  1. Thanks for discussing your ideas. One thing is that individuals have a choice between federal government student loan plus a private education loan where it is easier to go with student loan debt consolidation reduction than with the federal education loan.

Leave a Reply




If you want a picture to show with your comment, go get a Gravatar.