Ahlu Sunna oo Shaacisay Inay dishay Horjooge ka tirsan Kooxda Shabaab.
GG24 Somalia: Maamulka dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolada Dhexe Soomaaliya ayaa shaaciyay in dagaallo ka dhacay degaanka Gadoon oo ka tirsan gobolka Galgaduud inay ku dileen horjooge ka tirsan ururka Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Fanax.
Sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Ahlu Sunna oo lagu magacaabo Macallim Xuseen Sh. Axmed dagaalka ka dhacay degaanka Gadoon ayaa yimid kaddib markii ay iyagu weerar ku qaadeen fariisimaha ururka Al-Shabaab ay ku leeyihiin halkaasi.
Sidoo Kale Wararku waxay intaasi ku darayaan in ururka Al-Shabaab halkaasi looga qabsaday saanado ciidan isla markaana lagala wareegay gaadiid dagaal sida uu sheegay sarkaalka u hadlay Ahlu Suna, inkastoo aanay jirin warar madax bannaan oo arrintaasi xaqiijinaya.
Ugu Danbeentii Ma aha markii ugu horeysay oo Ahlu Sunna iyo ururka Al-Shabaab halkaasi dagaal ku dhex maro, iyadoona ururka Shabaab aanay wax hadal ah ka soo saarin dagaalladaasi iyo qasaaraha ka soo gaaray intaba.
Warka 24ka ee Goorsheegtada Somalia www.galgaduud24.com Nala Soo Xariir: webmaster@galgaduud24.com, galgaduud24@gmail.com
Waxa Booqatay :514










